DHAGEYSO:-Puntland “Farmaajo, IGAD iyo Itoobiya Nabad Kama Dhalin karaan Tukaraq

0

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegayey in madaxweynaha dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD, dowladda Itoobiya iyo madaxda qaramada midoobey ay ku fashilmeen qorshe lagu kala qaadayo ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ee ku sugan Tukaraq.

Dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay si rasmi ah ugu dhawaqaaday in madaxweyne Farmaajo, IGAD iyo  Itoobiya aysan nabadayn karin gobolka Sool haddii ay nabad wadaana loo baahan yahay inay Soomaaliland u sheegaan inay ka baxdo dhulka Puntland.