DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo xiisada dagaal ee ka taagan Balanbal

0

Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyey dagaal Beeleed dib uga soo cusboonaaday degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud kaas oo ay wali xiisadiisu ka taagan Guud ahaan Gobalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug ayaa walaac ka muujiyey iney dib usoo laabato dagaalkaas oo waqti badan kadib mar lagu guuleestay in la xaliyo waxa uuna Labada dhinac ka dalbaday iney si deg deg ah u joojiyaan xiisadda taagan iyo isku dhacii darraad ka dhacay Gudaha magaalada.

Odayaasha iyo Culumada deegaanka ayuu ka dalbaday iney si deg deg ah u qaataan Kaalintooda, sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug ay kala dhax-dhigtay Ciidamo kala dhax gala dhinacyada dagaalamay ee ku sugan degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.