DHAGEYSO:-Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo faafaahin ka bixiyay lacag cusub oo la soo daabacayo

0

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo  la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey Lacag cusub oo Shillin Soomaaliga ah oo la sheegay in dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.