Akhriso:-Booliska maamulka koonfur galbeed oo toogasho ka geystay Baydhabo

0

Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa waxa ay xaafadda Silliga ee magaaladaasi ku toogteen nin ay wada murmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidan hubeysan gurigiisa ugu tageen nin ay ka shakiyeen, kadibna ay ku amreen inuu u raaco saldhigga Booliska, balse ninkaasi ayaa ka biyo diiday oo amar adeeg sameeyay.

Cidankii ayaa intaasi kadib wacday gawaari ciidan oo isku dayay in ay xoog ku soo kaxeeyaan ninkan oo garab ka caawimaad ah ka helay qoyskiisa iyo dadka deriska ah.