TOPNEWS:-Madaxda Iskhilaafsan ee Galmudug oo ku kala sugan Dhuumareeb & Cadaado oo looga yeeray Muqdisho

0

Waxaan helnay xog ku saabsan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan bilaabeyso dhex dhexaadin ku aadan Madaxda Iskhilaafsan ee Galmudug,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa Warqad u dirtay labada dhinac,iyada oo ka codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadaan shir lagu xalinaayo khilaafka kaas oo u muuqda mid curyaamiyey Shaqooyinkii Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyo Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaano dhowr ah ayaa ku sugan Dhuusamareeb,halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro xildhibaano ahna ay ku shiraan Magalada Cadaado.

Xogta aan helnay ay sheegaysa in codsiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay u kala dirtay labada dhinac ay aqbaleyn,isla markaana ay imaan doonaan Magalada Muqdisho.

Madaxweyne axmed ducaale gelle Xaaf ayaa la filayey in uu dhawaan Magacaabo Golihiisa Wasiirada balse uu hakiyey kadib codsi uga yimid Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaanada Maamulka Galmudug.