TONEWS:-Magacyada Xubno muhiim oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo iska dhiibay Kenya

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in isku soo dhiibeen shaqsiyaad ka tirsanaa Al Shabaab ee ka dagaalanbta Soomaaliya.

Xubnahan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday 3 macalimiin Kenyaan ah oo ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi Bari.

Muumnino Erobo iyo Wiil ay dhashay oo lagu magacabo Cabdiwahaab Cusman Axmed ayaa saraakiisha Kenya ay sheegeen in ay isku dhiibeen Booliska dalkaasi, kadib markii bishii May ee sanadkani la dul dhigay madaxooda lacag gaareysa 1 milyan oo shillinka Kenya ah .

Sidoo kale saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Cabdiwahaab Cusman Axmed uu ka soo dagaalamay gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay dalkaasi, si ay weeraro uga fuliyo

Haweeneydani iyo Wiilkeeda ayaa la sheegay in haatan lagu hayo saldhigga Booliska Wajeer, halkaas oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Kenya ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.