SAWIRO:- Madaxweynaha Hiirshabeele oo gaaray degmadda Warshiikh

0

Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo xubno la socda.

Madaxweynaha wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi xusen guudlaaw,Wasiiro Xildhibaano,ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Soo dhaeweyn kadib Madaxweyne Waare iyo masuuliyiinta la socota waxa ay kulan la qaateen Masuuliyiinta maamulka degmada,iyada oo kulankooda uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga,horumarka degmada iyo mashaariic la filayo in dhawaan laga hirgeliyo.