Maraykanka oo sheegay inuu isaga baxay Golaha Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay

0

Maraykanka ayaa isaga baxay Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay “mid aan dhexdhexaad ahayn”.

Golahan “munaafaqa ah ee danahiisa uun eegta xuquuqda aadanaha ayuu ku jeesjeesaa”, ayay tiri Nikki Haley oo ah safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay.

Haley, ayaa sannadkii hore ku eedaysay Golaha “inuu si caado noqotay Israa’iil uga eexdo” waxay sheegtay wakhtigaas in Maraykanku ka fiirsanayo xubinnimadiisa golahaas.

Golahan waxaa la sameeyey sannadkii 2006-dii waxaana lagu dhaleeceeyaa in ay xubno ka yihiin dalal heerka ay xuquuqal insaanka ka taaganyihiin calaamatu su’aal saarantahay.

Talaabadan ayaa timid iyadoo dhaleecayn xoog leh lagu hayo siyaasadda maamulka Trump kula gaynayo waalidka iyo caruurrtooda soo galootiga ah ee ka tallaaba xadka Mexico iyo Maraykana u dhexeeya.