DHAGEYSO:-Waare “Shabaabka soo weerara Hirshabeelle waxay ka yimaadaan laba maamul goboleed”

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Hirshabeelle weerarka ku soo qaada inay ka yimaadaan degaanada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojiyeen weerarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii laba jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada Hirshabeelle ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.