Akhriso:-Xiliga la bilaabayo dacwadda badda ee u dhaxeysa soomaaliya & Kenya oo la shaaciyay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga sida rasmi ah ay u bilaabaneyso dacwadda Badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay billaabaneyso sanadka 2019-ka.

Maxkamadda ayaa iyadu sitoos ah dacwadda u dhageysandoonta sida uu sheegay Ambassador Cali Saciid Fiqi oo Soomaaliya u qaabilsan wadamada Yurub.

Danjire Faqi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya horay isaga diiday inay heshiis hoose oo arrinta badda lagu xalinayo wadagaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sidaasna uu amar ku bixiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu jawaab ka bixisay falcelin ay horay Maxkamadda u gudbisay Dowladda Kenya balse waxaa haatan kaliya laga sugayaa Maxkamadda inay ku dhawaaqdo xiliga ay dacwadda sidda taas ah u qaadeyso.