Akhriso:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax gaari kuwa Raaxadda lagu Xirey ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw Garaashka Xaaji Baasto ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in gaariga uu qarxay xili uu marayay meel ku dhaw Garaashka Xaaji Baasto gaar ahaan wadada aada Warta Siigaale.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo midi uu yahay wadihii gaariga iyo Haweeney la socotay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa durbadiiba gaaray Ciidamada amaanka waxaana haatan socda baaritaaano.