Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Ka Hor Timid Habka Deeqaha Loo Siiyo Soomaaliland

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday Nidaanka gaarka ah ee ay Beesha Caalamka kaalmada ku siiso Maamulka Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiir Jamaal ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan dib u cusbooneysiin Karin Nidaamka NEW Deal ee 2013kii lagu saxiixay Belgium-ka kaas oo Somaliland gaar u siinayay kaalmada Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay cusboonaysiiyo heshiiska,balse dowladda ay arintaan ka hor timid.