TOP NEWS:- Askari Duhurnimadii maanta ku dilay askari kale magaalada Muqdisho Iyo Ciidamada oo soo qabtay.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Duhurnimadii uu askari ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugida Soomaaliya uu askari kale ku dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warkan ayaa intaasi waa uu ku darayaa in Askari la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee taraafikada loo yaqaano,waxana xilliga la dilayey uu ku howlanaa kala hagida Gawaarida isku kala goosha Xaafadaha Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa Dalsan waxa ay u xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeyn askarigii falka dilka ahaa u geystay askariga kale,isla markaana Cadaalada lahor-geyn doono.

Dhinaca kale Saraakiisha amniga macadeyn sababta ka dambeysa dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada taraafikada balse dad ku dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka hor uu muran dhexmaray labada askari.

Isku soo wada duuboo maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa muqdisho ku soo kordhay dilalka ay geystaan askarta dowladda,waxaana habeen ka hor Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu degmada Kaaraan ku dilay Saddex Wiil oo Walaalo ahaa.