DHAGEYSO:-Somaliland Oo Sheegtay In DFS Shaqo Aysan Ku Lahayn Ka Hadalka Dekadda Berbera

0

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aanay wax shaqo ah ku lahayn ka hadalka dekadda Berbera, xilli dhowaan magaalada Muqdisho uu ka dhacay heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaasi oo ah horumarinta dekadaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ugu horreyn sheegay in booqashadii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho ay ka dhigan tahay un mid la mid ah kuwii uu ku tagay dalalka kale ee Africa, balse wuxuu tilmaamay in Somaliland oo kaliya xaq u leedahay in dekadda Berbera kala hadasho cidda ay u aragto iney maalgashan karto.