DHAGEYSO:- Salaad Cali Jeelle “Dacawada badda Soomaaliya iyo Kenya, Soomaaliya seey rabtay ayay ku socotaa”.

0

Siyaasiga oo wareysi siiyey Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in xilligii hore ay taagneyd doodaas mala geli karaa balse laga soo gudbiyey,isla markaana tallaabadii labaad la qaaday raja weyna laga qabo in lagu guuleysto.

Salaad Cali ayaa waxa uu yiri “Runtii waa tallaabo wanagsan oo horay loo qaaday,rajada shacabkana waa ay wanaagsan tahay waxaan ka war dhowreynaa natiijada maxkamada ay soo saarto waayo soomaaliya xaqeeda ayay u doodeysaa balse marabto dhul ay Kenya leedahay”.

Shalay oo Isniin ahayd ayaa Wakiilo ka socda Dowladda Soomaaliya waxa ay jawaabta dacwada dhanka muranka badda ah ee Kenya kala dhaxeeysa waxa ay u gudbiyeen Maxkamada Cadaalada Aduunka ee dalka Holand.

Dhinaca kale, Dad badan ayaa rajo wanagsan ka muujiyey in dacwadaas ay Soomaaliya ku guuleysan doonto,waxana ka mid ah Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in xilligaan aan la qabin shaki ah in dowladaha qaar iyo Maxkamaduba ay la saftaan dowladda Kenya soomaaliyana ay soo martay Wadadii saxda aheyd oo aan qalad ka imaan doonin ugana guuleysan doono kenya.

HOOS KA DHAGEYSO

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here