DHAGEYSO:- Maamulka Gobalka Nugaal oo u Jawaabay Somaliland

0

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ,Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa been abuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaba Gobolka Sool ,kaasi oo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ku eedeyay inuu dhibaato u gaystay Gabdho kasoo jeeda gobolka Sool .

Dhinac kale Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inuu khilaaf ka dhex aloosmay ciidamada Soomaaliland ee ku sugnaa gobolka Sool, islamarkaana ay cutubyo katirsan ciidankeedu ka bexeen gobolka, waxaana ay dowladdu ay shacabka Sool ka raali gelisey inay ka maqnayd 11 sano.