Dawladda Canada Oo Lacago Ugu Deeqeysa Soomaaliya iyo Dallal Kale

0

Dowladda Canada ayaa sheegtay in lacago gargaar ah ay ugu deeqeyso dalalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ee Congo iyo Niger oo ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca bani’aadinimada ah.

Lacagtaasi oo gaareyso 38 milyan oo dollar ayey dowladda Canada u soo marineysa hay’adaha Qaramada Midoobay ee FAO, IFAD iyo WFP oo fadhigoodu yahay magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga.

Sarkaal ka tirsan dowladda Canada ayaa sheegay in lacagtaasi gargaarka ah loogu tala galay in lagu fuliyo mashaariic kala duwan.

Waxaana waxyaabaha diirada la saari doono ka mid ah in dadka ay dhibaatooyinka ku dhaceen laga caawiyo dhinacyada beeraha, xoolaha iyo sidii ay ku heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Mashaariicdaasi ayaa lagu wadaa in shanta sano ee soo socota laga wada fuliyo dalalkaasi, iyadoo si gaar ah wax loogu qaban doono dadka nugul sida caruurta iyo haweenka.

Canada ayaa horay lacago badan ugu deeqday Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ay ka taagan yihiin musiibooyinka bani’aadinimo ee ka taagan dalalka Afrika.