Xafiiskii laga Maamulayay Hawada Soomaaliya ee Nairobo oo la xidhey

0

Xafiiska Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo hawada Soomaliya ugaga maamuleysay magaalada Nairobi ayaa maanta soo gabo-gabeysay maamulka hawada.

Magaalada Nairobi ayaa tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya waxaa laga maamulayay hawada Soomaaliya iyadoo lacago faro badan laga qaadayay diyaaradaha mara hawada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay hore u kala saxiixdeen heshiis lagu soo rarayo xafiiska Nairobi oo Muqdisho la keenayo.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay dowlada Soomaaliya ku dhowaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay hawada Soomaaliya.