SAWIRRO:-Masuuliyeen ka tirsan galmdug oo dhagax dhigay isbitaal laga hirgaliyay deeganka dhardhaar ee gobolka Mudug

0

Deeganka Dhar dhaar oo ka tirsan Deeganada Gobolka mudug ayaa waxaa markii ugu horeyay laga Dhagax dhigay isbitaal ay yeelato Halkaas.

Bulshada deegan ayaa soo banddhdigay baahiyo kala Duwan oo ka jira Deeganka waxaa ka mid ah baahiyaha ugu daran ee ay ka cabanayaan isbitaal la’aan iyo waxbarasha xuni haysata Deeganka .

Xubnihii ka Socday Galmudug ayaa dhageystay Cabashda Dad weynaha .

Xilibaano Maxamuud Diini Xasan Suldaan Cabdi Gelle jaamac CabdulleSuldaan Qaamus  Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Galmudug.

Maxamuud Guure Guuleed Oo Wafdigaan horkacayay ayaa sheegay in wax laga qaban doono ayoona si Wadajir ahna u Dhagax dhigay xarunra Saldhig Booliska xarunta Dagmada iyo Isbitaal.

Suldan qaamus iyo xiliban maxamud diini ayaa ka codsaday dadka wax haysto inay ka qeyb qaataan dhismaha xarumahaan la dhagax dhigay.

Maxamuud Guure Guuleed wasiirka Xigeenka Wasaarada Garsoor iyo Cadaalada Galmudug oo horkacayay wafdigaan ayaa Tilmaamay inXarumahaan ay wax weyn tari Doona dadka ku Dhaqan Deeganada oo Hoos Yimaada Dagmada.