SAWIRRO:-Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Shacabka Laascaanood iyo Ciidanka Puntland oo Ka Dhacay Dangorayo

0

Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa saaka waxaa ka dhacay dibad baxyo xoogan oo ay shacabka iyo maamulka degmadu siweyn ugu taageerayaan shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo ciidanka difaaca dowladda Puntland.

Boqolaal kamid ah shacabka kunool degmada Dangorayo oo isugu soo baxay waddooyinka ayaa ku dhawaaqaya ereyo kadhan ah Soomaaliland ayna ku garabtaagan yihiin shacabka dhibaataysan ee magaalada Laascaanood iyo howlgalka ciidanka Puntland.