SAWIRRO:-Askar kenyan oo lagu dilay qarax & weerar ay Al-Shabaab ka geesteen gobolka W/ bari ee dalkaas

0

Ugu yaraan 8 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo shalay lala beegsaday gaari ay la socdeen oo marayey Deegaanka Bojigaras oo ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.

Askarta la dilay ayaa kala ahaa 5 ka tirsan Maamulka Boliska  iyo 3 ka tirsanaa Ciiddanka Kaydka ee Boliska dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Askartaasi ku geeriyoodeen qarax xooggan oo jidka loogu aasay, iyadoo uu burbur xooggan soo gaaray gaarigii ay ku safrayeen.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Saalax ayaa sheegay inay baaritaano hordhac ah muujinayaan inayDagaalamyaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab ka dambeeyeen qaraxaasi, isla markaana ay dib ugu laabteen Xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.