Kooxda Daacish oo sheegatay Mas’uuliyada qarax ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya

0

Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyada qarax Jimcihii la soo dhaafay ay 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ku dhinteen kaa oo ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Wakaalada Wararka u faafisa Kooxda Daacish lagauna Magacaabo AMAQ NEWS,ayaa qortay in Kooxdooda weerar ay ka geyeteen Caasimada Soomaaliye ee Muqdisho,islamarkaana ay ku dileen 4 Askari,kuna dhaawacmeen mid kale waa sida ay shegteen Kooxda Daacish.

Marka laga soo tago sheegashada Kooxda Daacish ay sheegatay in ay dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya, ayaa ilaa iyo hadda jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta inta Askari ee ku dhimatay Qaraxaasi Jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wali kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidanka Dowadda Soomaaliya, Qaraxa lala beegsaday Ciidanka Dowladda iyo khasaraaha ka dhashay inta uu la eg yahay.