Fah Faahin:- Qarax lagu dilay Ciidamo kenyan ah

0

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo toos ah iyo mid ay u adeegsadeen miinada dhulka la galiyo ku qaaday kolonyo ay wateen ciidamada booliiska Kenya oo marayay magaalada Wajeer.

8 ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo haleelay gaarigii ay wateen xilli uu marayay deegaanka lagu magacaabo Bojigaras oo ka tirsan magaalada Wajeer.

Ciidamada qaraxa lagu dilay ayaa waxa ay deganaayeen xero ku taala Kutulo halkaas oo ay kusii jeedeen markii uu weerarka dhacayay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxa markii uu haleelay gaariga ay ciidanka wateen kadib ku qaaday weerar toos ah.

Ilo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in saraakiisha ay gaariga ka dageen qaraxa kadib isla markaana ay rasaas isweydaarsadeen dagaalyahanada kahor intaan laga awood roonaan.