XOG:- Imaraadka oo 3 Bilyan oo Dollar Siinaya Ethiopia

0

Dhaxal sugaha Imaraadka Shiik Maxamed Bin Saayid iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa magaaladda Adis-ababa ku kala saxiixday Heshiis imaraadku uu ku siinayo 3 bilyan oo dollar oo deeq ah oo isugu jira lacago kaash ah iyo maalgalin.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in Imaraadku ay 1 bilyan (1000 milyan oo dollar) ay dhigaan Bangiga dhexe ee Ethiopia oo lacagta adag ee dollarku ay ku yartahay, sidoo kalena ay bixiyaan 2 bilyan oo kale ay ku maalgalinayaan barnaamijyo horumarineed iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkaasi.

Dhaxal-sugaha Imaraadka ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaaladda Adis-ababa, kadibna waxay saacado gudahood uu la saxiixday heshiisyo iskaashi, iyadoo la arkay in Ra’isul wasaaruhu uu baabuur ku kaxeeyay Maxamed Shiikh Saayid

” maalgalinta Imaraadku waxay kor u qaadi doontaa dhaqaalaha iyo maalgalinta Ethiopia, gaar ahaan dhinacyada, dhaqaalaha, dhaqanka, dalxiiska iyo dhismaha” Sidaas waxaa yiri Axmed Shide oo ah Wasiirka maamulka arrmimah warfaafinta ee dowladda Ethiopia, oo sidoo kale sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in Dimplamaasiyiinta ay fisa la’aan ku galaan Labada wadan.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia oo maanta booqasho taarikhi ku yimid magaaladda Muqdisho ayaa heshiis la saxiixday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Heshiiskaas ayaa dhigaya in labada dowladood ay si wadajir u maalgaliyaan 4 Dekedadood oo Somaliya ku yaal, sidoo kalena ay yeshaan Iskaashi dhaqaale.