TOP NEWS:-Ciidanka Puntland iyo Somaliland oo aad Isugu Soo Durkay iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo.

0

Ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka Tukaraq ayaa 72-dii saac ee ugu dambeeyey lagu soo waramayaa inay si aad ah isugu soo dhowaadeen iyadoona laga cabsi qaba dagaal ka dhex qarxa markale labada ciidan oo xiligan ku jiraan heegan buuxa.

Qaar kamid ah dadka fara kutiriska ah ee ku haray deegaamadaasi oo lahadlay warbaahintu waxay sheegeen in ciidanku ay mar walba isku dhowaadaan xilliyada habeenkii ah, xilli ay korortay cabsida ay dagaal dhaca ka qabaan.