SAWIRRO:-Wafdi uu Hogaaminayo R/wasaare Kheyre oo ka Ambabaxay Muqdisho

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana ay kusii jeeddaan dalka Norway sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo Arrimaha Maaliyadda, kasoo ka furmaya dalka Norway.

“Maanta waxaan safar shaqo u raacey Reysulwasaare Mudane Xasan Ali Kheyre waxaan u soconaa sida aan aduunka ugu qanci laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudada ay jirtey xukuumada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo qeyb ka ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.