DHAGEYSO:- Magaalada Gaalkacyo oo uu maamuli doono hal maamul. waa maamulkee?

0

Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug uu Xukumi doono hal Maamul kaas oo ka Shaqeyn doono sugida amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in gaalkacyo ay haatan amnigeeda ay ka wada Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa isku-dhafka ah ee loo sameeyey,isla markaana ay wax ka bedeleen amniga Magaalada.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo qorsho lagu doonayo in hal maamul loogu sameeyo Magalada gaalkacyo si uu u xukumo,kaas oo uusan shaacin Puntland iyo Galmudug maamulka uu noqonayo.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magalada Gaalkacyo in sugida amniga ay kala Shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa isku-dhafka ah ee Magaalada loo sameeyey.

Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa ilaa hadda waxaa wax jawaab ah kasoo saarin Maamulka Galmudug oo maamula Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

HOOS KA DHAGEYSO