DAAWO:- R/wasaaraha Itoobiya oo ka warbixiyay safarkiisi Soomaaliya.

0

Shir jaraaid oo uu qabtay R/wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed Cali markii uu ku Laabtay magaalada Addis ababa ayaa waxa uu uga warbixiyay safarkiisi Soomaaliya.

R/wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed Cali aya waxa uu yiri “Maanta Waxaan ku suganaa Magaalada Mugadishu maalin barkeed ama hal galin, waxaan kulanay Madaxweynaha dowlada soomaalia & R/wasaraha & xukuumada & afhayeenka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaan kawada tashanay wax yaalo Hami aad u fiican leh, tusaale ahaan xiriirka labada wadan, oo ahaan doona mid Mira dhal ah ilaa goormaa xasuusnaan doonaa hebel baa hebel dilay, sidii sheeko xariir ilaa gormaan uga sheekeynaa, ilamad iyo baroorta, sidoo kale dhufeys ku jirnaa ugana shekeynaa dhalinyadeena, Siyaad bare iyo Mingistu.

Dhinaca kale Soomalaiya iyo Itoobiya waa Labo wadan oo walaalo ah, intaan kala dili leheyn, waa inaan isku keeno gacanta isku galino runta inaaan u daadihino dhalinyaradeena u abuurno kalgacyel waa inaan is dhex gal labada shacab sameynaa waa inaan gacmaha is qabsanaa oo latartanaa dibadaha sida, America, Europe, Dubai, meelo yar yar intaan kireyn lahayn, maan isku- geyno inaan meelo waa weyn furano.

Gabagabadii R/wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed Cali  ayaa waxa uu yiri “Si aan horumar u sameyno waa isku dayi karnaa, somaaliya waxaa ku yaala meelo waaweyn oo nacfi leh, siduu dhigayo juquraafiga gaar ahaan meesha ay uga taalo gobolkeena Geeska Africa Waxa ay leedahay xeeb aad u dheer Mana ka fa’iideysano, waxa dhaqaalo ku jiro waan ka tuugsanaa, waxaan ogahay hadii aan Ka wada fa’iideysano America ayaa noo soo suuq doonaneysa iyo caalamkaba Somalia, Jibouti, Kenya, Ethiopia Eritrea”.