TOP NEWS:- Madaxweyne Gaas oo Muuse Bixii ku tilmaamay Nin Waalan

0

Madaxweynaha Puntlad Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta khudbad ka jeediyay Munaasabadii Ciida ee magaaladda Garoowe ayaa nin waalan ku tilmaamay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ugu baaqay shacabka Somaliland inay iska qabtaan.

Wuxuu Sheegay in Muuse Biixi oo naaftiisa iyo ummadaba uu khatar uu ku yahay, isagoo tilmaamay in dowladda Puntland iyo shacabkeedu ayan duulaan ku ahayn shacabka iyo dhulka Somaliland

“ummadda waqooyi galbeed waxaan leeyahay anagu dad meel degan kuma aanu duulin mana rabno ee Muuse iyo jeegaantiisa waxay khatar ku yihiin waa idinka jiritaankiina, ma ahan kaliya anaga xataa wuxuu dhibaato u gaystay dad reer Somaliland ah, qofka waalani naftiisa iyo umaddaba khatar buu ku yahay, waxaa waajib idinku ah in aad iska qabataan si aad ummadda kale wadajir iyo deris wanaag ugula noolaataan,”ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Puntland wuxuu soo hadal qaaday mudaharaadada iyo shaqooyinka ka taagan magaaladda Laascaanood oo gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in Puntland ay diyaar u tahay difaaca iyo xoraynta gobolka Soola. Sidoo kale wuxuu fariin u diray dad uu ku sheegay inay horgalayaal u yihiin Somaliland

“nin gardarana ma guulaysanayo, dadweynaha reer sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda gabadha reer sool ee barooranaysa waxaan u sheegayaa, in ilmadeeda dhulka ku dhacaysaa ay xidido hor leh qoynayso, in ay geedo weyn abuurayso, horgalayaasha jeegaanta waxaan leeyahay cunadiina wadada wanaagsan u mara, waad helasaane haddaad diidaana waxaad ka heshaan ayaan ogaan doonaa, in aad adduunka ceeb ku noolaataan aakhirana ciqaab mudataan ayaan idiin rajaynayaa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Dhinaca kale, madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/xakiim Camay ayaa beesha caalamka ku dhaliilay inaysan waxba ka qaban, islamarkaana ayan gargaar gaarsiin dadka ku dhibaataysan gobolka Sool, gaar ahaan qoysaskii ku barakacay dagaalka Tukaraq.