Akhriso:-Wafdi ka socda Itoobiya oo kusoo wajahan Muqdisho

0

Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Itoobiya.

Calamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sharaxay Wadada Makah Al-Mukaramah, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaaanka Muqdisho.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Muqdisho uu kusoo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana lagu waddaa in soo dhaweyn loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

La soco wixii soo kordha