XOG:- Ninkii Ka Dambeeyay Qarixii Zoobe Uu La Ildaran cudurka Kansarka

0

Sida ay faafisay Wakaaladda wararka u faafisa dowladda federaalka ee Sonna, Waxaa sii kordhaya khilaafka xoogan ee ka dhextaagan masuuliyiinta sare sare ee maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii Hor-oogihii ugu sareeyey xaladiisa caafimaad laga deyriyay.

Wakaaladda SONNA waxay sheetay Xog ay heshey ay tilmaamayso in Horjooge Axmed Abuu Cubeyda oo ah Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Dadka badan ay ku dhinteen ee Zoobe ahna Horjoogaha Argagixisada Al-shabaab uu muddo ku dhow hal sano la xanuunsanaya cudurka Kensarka(Cencer) kaasi oo kaga dhacay caloosha.

“Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in xaaladiisu ay tahay mid aad u liidata islamarkaana anay muuqan rajo ku aadan in uu ka soo kabsado dhagar qabe Abuucubeyda,oo mas’uul ka ahaa dhagaro badan oo loo soo maleegayay umadda Soomaaliyeed tan iyo 2014kii markii duqeyn dhanka Cirka ah lagu dilay horjoogihii hore ee koxdaasi Axmed Godane” ayaa lagu yiri warbixinta Sonna

Wakaaladu waxay kaloo sheegtay in Dagaal dhawaan dhexmaray maleeshiyaad si gooni gooni ah uga amar qaata horjoogaha sare ee Abuucubeyda oo xanuunsan iyo Xasan Fiidow oo kamid ah horjoogayaasha sarsare ee Kooxda Alshabaab ayaa sababay in ay fooda is dareen oo ay kala fogaadeen horjoogayaal ay kamidka yihiin Xasan Fiidow,Ali Maxamuud Raage Cali Dheere,Mahad Karataay iyo kuwo kale,khilaafkaasi ayaa u muuqda mid aan xalkiisi lahaynin,taasi oo muujinaysa in awoodii Alshabaab uu gabalkeedi sii dhacayo.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo horey ugu waramay SONNA ayaa xaqiijiyay in ay jiraan xogo ku saabsan khilaafkaasi ka dhextaagan horjoogayaasha Alshabaab,kaasi oo ah mid in muddo ah soo jiitamayay.

Garab kamid ah garabyada ay maleeshiyaadkaasi Alshabaab u kala jabeen ayaa wararku waxay sheegayaan in ay doorteen Xasan Fiidow in uu noqdoo qofka bedelaya horjoogaha xaaladiisu ay liidato ee Abuucubeyda,taasi oo muujinaysa heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka koxdaasi.

Dhanka kale warbaahinta Dalka Kenya ayaa siweyn u hadal haysa loolanka ka dhextaagan maleeshiyada alshabaab iyo dhaq dhaqaaqyadooda,iyadoo Jariiradda The Star ee ka soo baxday dalkaasi Kenya lagu daabacay warbixin laga qoray khliaafka Shabaab iyo Xanuunka Abuucubeyda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here