Wadamada Islaamka ah oo si weyn ugu dabaal dagay munaasabada ciidul Fidriga

0

Dhamaan wadamada Islaamka ah ayaa maanta weyn looga dabaal dagay musaabada ciida fidriga, kuwaas oo soo dhameystay gudashada waajibaadka bishii barakeysneed ee Ramadaan.

Qaar badan oo ka mid ah wadamada islaamka ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta koobaad ee bisha Soonfur waxaana maanta si weyn looga dareemayaa dabaal daga maalinta koobaad ee ciidul fidriga.

Caruur iyo dadweyne kala duwan ayaa isku hambalyeynayay munaasabada ciida kuwaas oo laga dheehanayay farxada iyo reereen.

Guud ahaanna Soomaaliya sida wadajir ayaa looga ciiday si lamid Bishii Soonka oo iyana si wadajir ah loo soomay.