SAWIRO:- Maamulka Gobalka Banaadir oo bur buriyaay dhismayaal

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa burburiyay guryo si sharci daro ah looga dhistay nawaaxiga Kawaan Bari ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo horay loogu digay balse dhegaha ka fureeystay amarka maamulka.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay goobta ay ka socoto burburinta.

Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismayaasha la burburiyay ay ahaayeen kuwo si sharci daro ah looga dhisay dhul danguud ah, waxaana uu xusay in dhowrjeer oo hore loo digay, balse dadka leh dhismayaashaas ay awaamiirta maamulka ka dhega fureeysteen.