Muuse Biixi oo Xabsiyada Somaliland Ka Sii Daayay 500 Boqol oo Maxbuus Ciida Awgeed

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Somaliland ay cafis loogu fidiyey Maxaabiist dembiyada fudud ku xukumaa ee ku jiray xabsiyada Somaliland, gaar ahaan xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa. Maxaabiistan ayaa tiradoodu dhan tahay 511 (Shan boqol iyo kow iyo toban) maxbuus.

Maxaabiistan la fasaxay waxaa ku jira ciidamo hore uga tirsanaa laamaha kala duwan ee ciidamada Somaliland, kuwasoo qaarkood galay dambiyo culus, hase yeeshee waxay ka faa’iidaysteen cafiska madaxweynaha Somaliland.

wareegtada madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgaliyey: In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland