Maamulka gobolka Mudug oo Shacabka kala qayb galay Salaada Ciida Garoonka Yemayska ee magaalada Gaalkacyo

0

Garoonka kubada Cagta  iyo Schoolka Yameyska ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa saalada Ciidul Fidriga isugu soo baxay Boqolaal shacabka ah kuwaasoo Saalada Sunna ah ee Ciidul Fidriga ku tukada Garoonkaasi.

Ugu horayn waxaa shacabka dardaaran u jeediyey Shiikh Aadan Maxamed Cigaal oo kamid ah Culimada gobolka Mudug isagoo shacabka ugu baaqay inay Garab qabtaan danyarta.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif oo lahadlayey Dadka Shacabka ee ciidaasi ka qayb galay ayaa mahad celiyey Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya kuwaasoo waxbadan ka qabtay dhanka Amaanka ee gobolka Mudug.

Qaar kamid ah Waxgaradka oo ka hadlay ayaa dhankooda waxay mahad celin iyo Bogaadin u direen  Allaha subxaana Watacaalaa soo gaarsiiiyey Ciidan waxaana sidoo kale ay hanbalyo u direen ciidamada Amaanka ee ka shaqaynaya gobolka Mudug.