TOP NEWS:- Dowladda Ingiriiska oo Muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya.

0

Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain ayaa soo saaray digniin iyo talooyin ku socota Muwaadiniintooda inay u safraan Soomaaliya iyo deegaanada Somaliland, iyadoo loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan inay isaga tagaan.

Qoraal la soo dhigay Bogga Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo barwaaqo sooranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Muwaadiniinta Britain inay ka taxadaraan goobaha dadka isugu yimaadaan, si looga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara. isla markaana ay si degdeg ah uga tagaan goobaha bulshada ku badan tahay.

“Argagixisadu waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weeraraan Soomaaliya, Waxaa jira khatar aad u wayn oo afduub ah, Kooxaha argagixisada ah waxay u hanjabeen reer galbeedka iyo kuwa u shaqeeya ururada reer galbeedka. Waxaa jira halis joogta ah oo weerar argagixiso ah oo ka dhaca Muqdisho iyo argagixisadu waxay sii wadaan qorshaynta weerarrada ka dhanka ah reer galbeedka ee Soomaaliya inteeda kale oo ay ku jiraan Somaliland”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in 14 bishii October ee sanadkii hore uu ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho qarax weyn oo ahaa kii ugu cuslaa ee Argagixisada ka geysato Soomaaliya, kaasoo sababay dhimasha in ka badan 300 oo ruux iyo dhaawaca boqolaal kale.

Weerarada Argagixisada ayaa la sheegay inay noqon karaan kuwo aan kala sooc laheyn oo ay ku jiraan meelaha dadka ku badan yihiin, goobaha muhiimada leh ee ay tagana saraakiisha dowladda iyo meelaha ajaaniibta booqdaan.

Dhinaca kale kale waxaa la sheegay inay jiraan qatar kale oo ka imaan karta Baddaha, gaar ahaan biyaha caalamiga ama Gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya oo ay burcad badeedka ka fuliso weeraro afduub ah.

Isku soo wada duuboo ma ahan markii u horeysay ee dalalka reer galbeedka ay uga digaan Muwaadiniintooda inay u safraan Soomaaliya.