TOP NEWS:- Danjire Michael Keating “Waxaan idiin rajeynayaa Ciid farxadeed oo nabdoon,”

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga).

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxaan idiin rajeynayaa Ciid farxadeed oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. Waxaan idinla qaybsanaynaa soo dhoweynta bilashada bisha cusub oo muujinaysa dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan.

Waxaan rajaynayaa in barakada Ciidda awogeed ay qoysaska iyo asaxaabtu isku yimaadaan si ay ugu dabaal-degaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee kamidka ah sanadka uu farxad badan u keeni doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, uuna kobcin doono nabadda iyo barwaaqada ee guud ahaan dalka. Ciid Wanaagsan.”