DHAGEYSO:- Aadan Koojaar “Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Iyo CXD hawlagalada waa isla fulinayaan”.

0

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa wax ay faah faahin ka bixiyeen qorsho ku aadan howlgal ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Aadan Muxumed (Koojar) ayaa sheegay in xaalada amni ee deegaanaad Jubbaland ay soo hagaageyso,sidoo kalena uu jiro qorshooyin ku saabsan in Ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland ay ka go’an tahay xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay siwadajir ah u bilaabaan howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan.

HOOS KA DHAGEYSO