TOP NEWS:- Dhamaan Shaqaallaha Dowladda Federaalka oo la fasaxay.

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta ku wargalisay in dhammaan Shaqaalaha Hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in shaqaalahooda ay fasax yihiin maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul-fitriga.

Warkaan ka soo baxay wasaaradda Shaqada ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in muddada fasax ay noqon doonto laba maalmood oo ku aadan 15 bishan Juun ilaa iyo 17-ka bishan Juun ee sanadkan.

Warka waxaa kaloo lagu sheegay in sida ku cad sharciga Shaqaalaha L. 11 qodobkiisa 30-aad farqadiisa 2-aad iyo xeerka Shaqada ( Labour Code) ee soo baxay 1972 qodobkiisa 86-aad farqadiisa B. inay fasax yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Sidaasi awgeed waxaa loo rajeynayaa dhammaan Shaqaalaha Soomnaaliyeed inay ku ciidaan Farxad iyo Nabad, iyaga iyo Xaasaskoodaba, waxaana leenahay Ciid Wanaagsan.