Akhriso:-Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Baledweyne

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii rag hubeysanay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay gudaha magaaladaasi.

Kooxda weerarka soo qaatay ayaa la sheegay in ay gaareyeen tiro ahaan ku dhawaad 10, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen mid ka mid ahaa raggii soo qaaday weerarkaasi, iyagana loo dhaawacay 1 askari, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiishan ayaa intaasi  ku daray in saaka ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi, iyagoona howlgallo ka wada xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.