Akhriso:-Xubin ka tirsan ergada soo xushay barlamanka soomaaliya oo lagu dilay magaalada muqdisho

0

Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo xushay ayaa lagu dilay degmada Dharkeyneley ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo qeybta sare ee jirkiisa ka toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay ayaa kamid ahaa ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, si gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waqti dambe gaaray halkaasi, waxayna qaadeen meydka marxuumka, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID.