Akhriso:-Maamulka Puntland oo Amaray in hawada Laga saaro Telefishinka Soomaaliland

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka puntland ayaa waxaa ay amar ku bixisiay in Hawada laga saaro gabi ahaanba deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland Televisionka ku hadla Afka Soomaaliland, iyadoona aan la shaacin sababta rasmiga ah ee hawada looga saarayo.

Maalin ka hor ayay aheyd markii wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland uu Edeyn kulul u jeediyay Maamulka Soomaaliland oo ku aadan Xaaladda Tukaraq iyo in aysan ka laban doonin dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.