DHEGAYSO:- Saraakisha Amniga Garowe oo Amniga ka hadlay

0

Ciidanka ammaanka dowladda Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal ayaa howlgallo ay labadii todobaad ee ugu dambeeyey ay kawadeen magaalada Garoowe waxa ay ku soo qaqabteen in ka badan 60 dhalinyaro ah oo ku howlanaa falal ammaanka ka baxsan.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradaan oo faraha kula jirey falal ammaanka ka baxsan ay hadda ku xiran yihiin xabsiga weyn ee magaalada Garoowe iyo saldhigga dhexe sharcigana la marsiin doono.