DHAGEYSO+SAWIRRO:- Taliyaha CXD Gen. Gorod oo gaaray magaalada Kismaayo.

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa Maanta ay gaareen Magalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,iayda oo intaasi ka dib loo la geeyey Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe),iyaga oo ka wada hadli doona dardar helinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale taliye Gorod ayaa waxa uu booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magalada Kismaayo iyo deegaanada kale si uu ugu kuurgalo xaaladooda.