DHAGEYSO:-Faah Faahin ka soo baxeeysa weerar ay Al-shabaab ka Fuliyeen Gobolka Baay

0

Xili danbe oo xalay ah Xubno Ka Tirsan  Al-shabaab ayaa weerar ka fuliyay Fariisimo ay Ciidmada Koonfur Galbeed Soomaaliya ku lahaayeen Degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyay Labo kamid ah Askarta Qansax dheere ayaa ku geeriyootay weerarkaasi, halka Labo kalana ay ku dhaacmeen, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal qansax dheere ku sugan.

Dhinaca kale Weearada Kediska ah oo ay Al-shabaab ku qaadayeen Fariisimaha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sii kordhayay tan iyo markii laguda galay Bisha Ramadaan oo haatan ku dhaw gabo gabo, waxeyna weerareen Fariisimo badan oo Ciidamada koonfur Galbeed lahaayeen iyo Ciidamda Ehiopia.