AKHRISO:- Xildhibaan Mahad Salaad “Mudane Madaxweyne dadka shacabka ah ciqaabta Ciidammada Amnigu ku hayaan halaga dul qaado”.

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanada Federaalka ayaa su’aal ka keenay cidda ay u xiran yihiin wadooyinka Muqdisho, haddii uu madaxweynaha amray in la furo?.

Farriin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu xildhibaanka ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maalintii Sabtiga qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitter-ka, isagoo ku sheegay “Inuu farayo hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo”.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ilaa hadda magaaladu sidii ay ciriiri ugu jirto, cabashada shacabkana ay sii labo jibaarantay!. Wuxuuna intaas sii raaciyey: “Sida ku cad Qodobka 90aad, Farqadiisa (b, c) ee Dastuurka KMG, Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal xilkana waa ka qaadaa.

Haddaba, hadii Madaxweynuhu amray in la furo wadooyinka xiran, waa su’aale: – Yey u xiranyihiin wadooyinka magaalada Mogadishu ilaa hada? – Hadiise Madaxweynuhu amar bixiyay maxay u fuli la’yihiin amaradiisu?. – Mise magaaladii Mogadishu ayaa labo Madaxweyne yeelatay oo jidadka la gooyay Dowlad kale ayaa ka talisa?!

Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha ereyadan: “Mudane Madaxweyne bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, maalmihii ciidana afka ayay nagu soo hayaan ee dadka shacabka ah ciqaabta Ciidammada Amnigu ku hayaan halaga dul qaado..”

Mahadsanid.

Hon. Mahad Salad