Akhriso:-Shariif Xasan oo Heshiis qarsoodi ah la galay Imaaraadka Carabta

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo si hoose warbaahinta madaxa banaan ula hadlay ayaa qiray in Maamulka Shariif Xasan uu Heshiis qarsoodi ah la galay Imaraadka Carabta oo ku aadan in lagu wareejiyo illaha dhaqaalaha ugu muhiimsan Maamulkaasi.

Safar uu madaxweynaha koonfur galbeed ku tagay magaalada Dubai,ayaa lagu sheegay inuu Heshiiskaasi ku dhacay,wuxuuna Shariif Xasan Imaaraadka Carabta kula soo soo heshiiyay in laga taageero Maalgelin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha Maamulka Koonfur Galbeed si dhaqaalaha ka soo baxa saami loogu qeybsado.

Illo wareedyo ku sugan magaalada Baydhabo kuna dhow Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Heshiiskan aysan raali ka ahayn Dowladda Federaalka,islamarkaana la doonayo in si qarsoodi ah looga dhaqan geliyo deegaanada Koonfur Galbeed