WAR DEG DEG AH:- Puntland oo beenisay in Heshiis la gashay Somaliland

0

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo Caawa warbaahinta kula hadlay boosaso, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax heshiis ah ay Somaliland kala galeen Arinta Gobolka Sool,

Quraan-jecel oon weydiiyay Sababta ay u diidayaan hadii Heshiis lala galayo ayuu Sheegay in aysan marnaba gor-gortan ka galeyn “Xoreynta” Gobolka Sool.

Wasiirka Arimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali shire ayaa maanta Hargeysa ka sheegay in Beesha caalamku ay Dhex-dhexaadin ka sameynayso Arinta Tukaraq, gobolka Soolna uusan Colaad u baahneyn.