TOP NEWS:-Magacaabistii Golaha Wasiirada Galmudug Oo Dib Loo Dhigay

0

Magaacaabistii lagu waday in uu sameeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaalle Xaaf ayaa la soo sheegayaa ina dib u dhacday.

Todobaadyadii la soo dhaafay madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uu waday qaban qaaabadii u dambeysay ee magacaabista Golihiisa Wasiirada qeybta Maamulka Ahkusunna ee ku biiray Galmudug.

In kastoo uu weli jiro diyaar garowga magacaabistaas ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay,kadib markii codsi uu ka yimid waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.

Wali waxaa taagan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Galmudug kuwaas oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb taas oo keentay dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug.

Warar Hoose oo la heleyo ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu aqbalay codsiga odayaasha iyo siyaasiyiinta,walow weli aysan jirin cid waan waan ka dhex wada madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here