Akhriso:-Senator Mareykan Ah Oo Ku Baaqay In La Jaro Lacagaha Mareykanka Uu Siiyo Ciidamada Somalia

0

Sanator ka tirsan xildhibaanada Mareykanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dhaqaalaha Mareykanka uu ku bixiyo Ciidamadaa dowladda fedeeraalka ah ka ee Soomaaliya.

Rand Paul oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Washington Post ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan aysan habooneyn in dhaaqaale lagu bixiyo Ciidanka dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay u badan yihiin caruur xoog lagu askareeyo  iyo kuwo ka soo goostay  Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale mudanahani ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay waqti dheer caawineysay Ciidamada Soomaaliya, balse ay haatan sheekadu ku soo idlaatay rajo qura, taas oo ah in ay nabad ka hana qaado Soomaaliya.

Hadalka Sanator-kan ayaa imaanaya xilli dhawaan weerar qorsheysan Al Shabaab ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalka Soomaaliya, halka 4 kalena ay ku dhaawaceen ,kaas oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.